Hangoolnews.com
Tirada Dadka Loo Xidh Xidhey Qaraxii Diyaarada Daalo Airline Oo Sii Kordhaya
February 7, 2016 - Written by Hangool

daaloMuqdisho(HAN)Dowladda Somaliya ayaa shaacisay in kabadan 20 ruux in loo xir xiray Qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airline, xilli Diyaarada ay ku guda jirtay Duulimaad ay ugu socotay dalka Jabuuti Tallaadadii aynu soo dhaafnay.daalo

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya C/salaam Axmed Caato, ayaa u sheegay Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga inay socoto Baaritaanka la xidhiidha dadka ay soo qabatay Dowladda Somaliya.

Wuxuu sheegay Hay’adda Sirdoonka Somaliya inay gacanta ku hayso dadkaasi oo weli baarista ay socoto, laakiin wuxuu xaqiijiyay inay jirto Muuqaal laga helay Kaamirada CCTV ee Garoonka ku xiran inay muujinaysay labo ruux oo mid ka mid ah uu xiran yahay Jaakadaha lagu yaqaan Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo Labtop u dhiibaya ruux kale.

C/salaan Caato, wuxuu sheegay ruuxa loo dhiibay labtopka inuu ahaa ruuxii ka dambeeyay Qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airline, gudaheeda, laakiin weli Baarista ay socoto.

Qaraxii Diyaaradda Daallo Airline ka dhex dhacay, ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Duulimaadyadii imaan jiray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo yaraaday, sababo ku aadan Baarista Qaraxa oo weli socota.

Dowladda Somaliya ayaa shalay galab si rasmi ah u xaqiijisay wixii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airline gudaheeda inay ahaayeen Qarax la doonaayay in lagu laayo dadkii Diyaaradda saarnaa.

 

Hangoolnews.Com

 

COMMENTS
Latest News