Hangoolnews.com
Mas,uul Hore Iskaga Casiley Xisbiga Ucid Oo La Filaayo In Uu Si Rasmi Ah Ugu Biro Xisbiga Wadani Todobaadkan
February 7, 2016 - Written by Hangool

wadani mataanHargeisa(HAN)Siyaasi cabdirashiid xasan mataan oo hore uga mid ahaa xisbiga mucaaridka ah ee ucid ahaana kuxigeeenka musharaxa madaxwayne  ee xisbigaasi isla mar ahaantaana dabayaaqadii sanadkii aan soo dhaaftnay iska casiley xilkii iyo xubinimadii xisbiga ucid kadib markii uu u adkaysan waayay khilaafka soo noq-noqdey ee u dhaxeeya musharaxa madaxwayne ee xisbiga  ucid Jamaal cali xuseen iyo sida oo kale gudoomiyaha xisbigaasi faysal cali waraabe, Ayaa la filayaa in uu todobaadkan gudahiisa si rasmi ah ugu biro xisbiga kale ee mucaaridka ah ee wadani kaasi oo mudooyinkii ugu danbeeyey la hadal hayay in uu ku biiri doono siyaasi cabdirashiid xasan mataan, ku biiritaanka siyaasigan ayaa sido kale ay wararku sheegayaan in ay waheliyaan xubno kale oo iyaguna misaanku leh saaxada siyaasada gobolka awdal ee uu kasoo jeedo siyaasigani iyada oo maalinta arcada ah ee todobaadkani la filaayo in uu xisbigu u qabto xaflad balaadhan oo soo dhawayn ah, ku biiritaanka xisbiga wadani ee siyaasigani ayaa kusoo beegmaysa xili uu wali taagan yahay khilaafkii sababay in uu ka tago xisbiga Ucid ee u dhaxeeyey labada mas,uul ee ugu sareeya xisbigaasi iyo sido kale iyada oo ilaa iyo haatan aanu wali xisbiga ucid soo buuxin jagadii kuxigeenka musharaxa madaxayne kuxigeen ee xisbiga ucid,

HANGOOLNEWS.COM

HARGEISA/OFFICE

COMMENTS
Latest News