Hangoolnews.com
Dadwaynaha Degmada Sheikh Oo Maalintii Labaad Dhigay Mudaharaad Ay Kaga Soo Horjeedaan Wareejinta Guurta Qaras,Goo
February 7, 2016 - Written by Hangool

Sheikh(HAN)Mudaharaad lagaga soo Horjeedo Wareejinta buurta qaras goo oo xukumada somaliland ku wareejisay ganacsade carbeed ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Sheekh Oo Hoos timaada gobolka Saaxil.

muda

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mudahaaradka oo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan magaalada sheekh ayaa waxay kaga soo horjeedaan Wareejinta Buurta caanka ku ah macdanta ee Qaras’Goo Oo Xukumada Somaliland sida la sheegay ay ku wareejisay ganacsade Carbeed oo kasoo jeeda Dalka Kuwait isla mar ahaantaana hore dhismayaal kala duwan uga dhistay agagaarka degmada bilicda caanka ku ah ee sheekh.

Wararka ilaa iyo haatan laga helayo  magalaadaas  ayaa sheegay in ilaa hada mudaharaadku ka socdo magaalada sheekh walow aanu mudaharaadkani sababin wax khasaare ah oo dhimasho ah marka laga raabe askari ka tirsan ciidanka booliska degmada sheekh uu shalay ku dhaawacmay iska hor imaad dhex maray ciidanka biooliska iyo kooox dablay ah oo ka gadoodsan wareejinta ay xukumada somaliland ku wareejisay ninkaasi carbeed buurta Qaras.

 

HANGOOLNEWS.COM
HARGEISA/Office

COMMENTS
Latest News