Hangoolnews.com
Saraakiil Ka Socota Fbi-Da Mareykanka Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho iyo U jeedka Socdaalkooda
February 6, 2016 - Written by Hangool News

Saraakiil FbiHargeisa(HAN) saraakiil ka  socta FBI-da Mareykanka ayaa soo gaadhay  magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan baadhitaanada lagu haayo diyaaraddii Daallo Airline, taasoo maalinimadii salaasadii deg deg ugu soo laabatay garoonka Muqdisho, kadib markii wax loo maleynayo inay qarax yihiin uu gudaha diyaarada ka dhacay, xilli ay hawada ku jirta

Saraakiisha Hey’adda Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in khubarada ka socda Mareykanka ay u yimaadeen in la ogaado waxa dhabta ah ee uu ahaa shilka ka dhacay diyaaradda Daallo.

 

Agaasimaha Hey’adda Saadaasha Hawada C/wahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Mareykanka inay ka saacido baadhitanka diyaaradda.

 

“Waxaan dooneynaa in baadhitaan dhab ah in la sameeyo, si loo qanciyo shacabka, isla markaana ay soo baxdo natiijo sax ah”ayuu yidhi  Agaasimaha Hey’adda Saadaasha Hawada oo xusay in FBI lagu casuumay baadhitanka  socda.

Sidoo kale baadhitaanada ayaa waxaa qeyb ka ah Saraakiil Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Britain iyo Saraakiil ka socda dalka Gariiga.

Duuliyihii Diyaaradda Daallo ayaa sheegay in waxa diyaarada ka dhex dhacay ay yihiin qarax, halka Saraakiil Mareykanka ay qabaan in waxa gudaha Diyaarada ka dhacay ay yihiin qarax, isla markaana la helay maado waxyaabaha qarxa sameysa oo ah TNT.

 

Hangoolnews.Com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News