Hangoolnews.com
LEICESTER CITY OO ETIHAD KU SOO CIQAABTAY MAN CITY FARIIN KOOXAHA KULA LOOLAMAYA HANASHADA HORYAALKANA FARIIN CAD U DIRTEY
February 6, 2016 - Written by Hangool

Hargeisa(HAN)Manchester City ayaa gurigeeda ku soo dhaweysay kooxda hogaanka horyaalka Premier league heysay ee Leicester City oo ay fooda isku darayeen kulan kala bax ah oo loogu kala baxayay hogaanka horyaalka Premier league ee dalka ingiriiska oo xili ciyaareedkaan xamaasad gaar ah leh.

Labada kooxba waxay u dagaalamayeen iney hogaanka sare iyaga ku fariistaan waxaana ay la soo shirtageen labadooda shax ee u xooga badan ee ay heli kareen kulankaan.

Kooxda martida loo ahaa ee City ayaa la soo shirtagtay shaxda: Hart; Zabaleta, Otamendi, Demichelis, Kolarov; Fernandinho, Delph; Silva, Toure, Sterling; Aguero.

Keydka: Caballero, Clichy, Sagna, Fernando, Celina, Garcia, Iheanacho.

Leicester City:: Schmeichel; Simpson, Morgan, Huth, Fuchs; Mahrez, Drinkwater, Kante, Albrighton; Okazaki, Vardy.

Keydka: Schwarzer, Chilwell, Wasilewski, King, Dyer, Gray, Ulloa.

Bilowgii ciyaartaba kooxda martida aheyd ee Leicester City ayaa bilowday inuu weeraro ku qaado kooxda Man City, daqiiqadii labaad ee ciyaarta ayuu xidiga khadka dhexe ee Leicester N’Golo Kante kubada ka dafay Yaya Toure wuxuuna u dhiibtay daafaca midig ee kooxda Simpson kaasoo isna kubadii lugta u galiyay Marc Albrighton kaasoo soo qaaday karoos laakin waxaa bixiyay goolhayaha City ee Joe Hart laakinw axay u tagtay Mahrez kaasoo garaacay Delph iyo Kolarov, laakin daaafca Serbian ka ah ayaa dhulka dhigay wuxuuna ku guuleystay laad xor ah.

Isla Riyad Mehrez ayaa soo qaaday laadkii xortaa ahaa wuxuuna si cajiib ah u helay kubadiina ugu gacan galiyay daafaca jooga dheer ee Robert Huth oo isna daba mariyay Joe Hart isla daqiiqadii sadexaad ee ciyaarta wuxuuna ka dhigay 0-1 ay kooxdiisa hogaanka ku heyso.

Robert Huth   Man City ayaa isku dayday iney weero ku qaado kooxda maritda aheyd waxayna kubado cir iyo dhul kaga keeneen xerada ganaaxa ee Leicester kuwaaso ciyaarta ku ciyaarayay abaabul laakin daqiiqadii 7 aad ee ciyaarta ayeey walwashay kooxda City markii ay u muuqatay in Sergio Aguero uu dhaawac soo gaaray laakin xidiga ree Argentina ayaa sii watay ciyaarta.

Aguero

Daqiiqadii 8aad ee ciyaarta ayeey Leicester mar labaad ku sigatay iney la timaado goolkeedii labaad ee ciyaarta markii uu Albrighton helay Vardy oo ay hal ka hal isugu yimaadeen laakin goolhayaha City ayaa shaqo fiican qabtay goolna ka dafiray Vardy Otamendi ayaana kubadii rogaal celiska aheyd ka joojiyay Okazaki laakin Zabaleta ayaa kubadii soo dafay laakin meel fog ma uusan gaarsiin, labo daqiiqo kadibna Mahrez iyo Drinkiwater ayaa kubad fiican isla helay oo ku sigtay markle iney hogaanka u dheereeyeen kooxdooda laakin Joe Hart ayaa markale kubadii ka badbaadiyay Drinkwater.

Hart Save

Daqiiqadii 23aad ee ciyaarta ayeey Man City ku dooday in gool ku laad loo dhigo markii Zabaleta qaladg lagula galay diilinta ganaaxa ee Leicester, garsooraha ayaana tilmaamay laad xor ah laakin muran badan ayaa ka dhashay waxa ayt aheyd xaqiiiqdii laakin sawirada laga qabtay ayaa muujinaya in Zabaleta uu taagnaa mele ka baxsan xerada ganaaxa Leicester City, Kalarov ayaana laadkii xorta ahaa tuuray LCFC ayaana iska bixisay koorna ka dhalatay laadkaas xorta ahaa.

Zabelletta Penalty

Toure, Silva iyo Sterling ayaa si fiican iskula ciyaaray waxayna keentay in Yaya uu kubad xoog badan ku tuuro shabaqa Leicester daqiiqadi 29aad ee ciyaarta laakin darbadiisii ayaa hawada sare martay, daqiiqado kadibna Aguero ayaa ku badbaadin ku qasbay Schmeichel kadib kubad xoogan uu ku tuuray.

Yaya Shout

15 kii daqiiqo ee qeybtii danbe ee ciyaarta City ayaa si kasta u wareertay kooxda LCFC iyadoo Silva, Toure iyo Sterling iyo waliba Aguero oo aan galabta qaab ciyaareedkiisi caadiga ahaa ku jirin ay kubado ku raadiyeen Schmeichel laakin midkoodna uma aysan suurogalin iney shabaqa tagaan waxaan qeybtii koowaad lagu kala nastay 0-1 ay kooxda ku heysay Leicester City oo marti aheyd.

Waqti dheer kuma qaadan in Leicester ay hogaanka ciyaarta dheereysato biloqga qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markaan kooxdiisa hogaanka u dheereeyay gool caawiyihii goolkii koowaad ee Riyad Mehrez kaasoo caawinaad ka helay N’Golo Kanté.

Kante oo maanta mashaqo ku ahaa City ayaa markale kubad kasoo dafay Zabelleta wuxuuna kubadii la daba maray Fabian Delph wuxuuna quudiyay Mahrez kaasoo dhaafay isna Otamendi iyo Demichelis ka hor inta uusan garaacin Hart wuxuuna kubadii shabaqa ka cusjiyay koonar ka sare ee gacanta bidix ee Joe Harta wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-2.

Mehrez

Kadib qaladaadkoodii iyo qaab ciyaareekdoodii liitay ee qadka dhexe maclain Manull Pellegrini ayaa badal ku sameeyay xidigihiisa khadka dhexe ee Yaya Toure iyo Fabian Delph waxaana soo galay Fernando iyo Kelechi Iheanacho laakin taasi kama aysan saacidin iney ka yareyso cadaadiskii ay ku hayeen xidigaha khkada dhexe ee Leicester City ee Danny Drinkwater iyo N’Golo Kante.

Daqiiqadii 54aad ee ciyaarta ayaa goolhayaha Leicester City ee Schmeichel lagu qasbay badbaadin cajiib ah markii koorno ay City soo tuurtay u tagtay Fernando oo aysan cidi xireynin laakin goolhayaha Danish ka ah ee Schmeichel ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah si uu ciyaarta ugu hayi dhanka kooxdiisa.

Fursadii laga badbaadiyay daqiiqadii 54aad ee ciyaarta kooxda City ayaa keentay in iyaga shabaqadoo la soo taabsiiyo goolkii sadexaad ee ciyaarta, Hart ayaa feer ku bixiyay kubad laad xor aheyd laakin waxay u tagtay Vardy kaasoo hal nin intuu dhaafay u dhiibay Okazaki, laakin waa laga bixiyay, koorno ayeeyna noqotay, koornadii la soo qaaday waxaa markale helay Robert Huth kaasoo goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo kii sadexaad ee kulankaan shabaqa soo taabsiiyay Christian Fuchs ayaana caawinaada goolkaan lahaa.

Huth Goal

Man City ayaa dadaal kasta sameysay si ay ciyaarta wax uga badasho waxaana kubad meel fiican ka helay Sterling kaasoo intuu hal daafac dhaafay kubadii meel banaan marsiiyay, saaxiibadiida kooxda yaana ka caroorday arintaas, laakin Vardy ayaa ku sigtay inuu qaladkooda ku ciqaabo City ciyaartana ka dhigo 0-4 kaidb markii uu Drinkwater meel dhexe kasoo dafay kubada una dhiibay Vardy laakin Hart ayaa halkaas joogay oo badbaadin sameeyay.

Dhamaadkii ciyaarta kooxda Man City ayaa dib isaga soo celisay hal gool waxaana u dhaliyay weeraryahankooda Kun Aguero kaasoo qalad uu galau Schemiecal ku ciqaabay shabaqana ku hubsaday kubad uu caawinteeda lahaa  Bersant Celina oo ciyaarta badal ku soo galay kadib markuu badalay Yaya Toure oo galabta aan waxba ka aheyn ciyaarta.

Aguero goal

City ayaa wixii intaasi ka danbeeyay u muuqatay kuwo ka niyadjabay ciyaarta waqtigana uu kasii dhamaanayo waxayna ku guuldareysteen iney markale shabaqa kasoo taabtaan koox aad u abaabulneyd oo LCFC ah, ciyaarta ayaana ugu danbeyn ku soo dhamaatay 1-3 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Leicester City, hogaanka horyaalkana ku qabatay lix dhibcood oo nadiif ah.

HangoolSports

COMMENTS
Latest News