Hangoolnews.com
Dhul Gariir Xoogan Oo Ku Dhuftey Dalka Taiwan Sababayna Khasaare Badan
February 6, 2016 - Written by Hangool

taiwaanHargeisa(HAN) Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay dhulgariir ku dhuftay Taiwan, dad badan oo kalena waxa ay ku hoos xaniban yihiin dhismooyin dumay.

Dhulgariirka oo cabirkiisa ahaa 6.4 magnitude ayaa waxa uu inta badan dumiyay dhismooyin dhaadheer oo ku yaalla magaalada Tainan.

 

Kooxaha dab demiska ayaa badbaadiyay in ka badan 2 boqol oo qof, kuwaasi oo ku jiray dhismooyin liicay.

Dhulgariirka ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay, xilligaasi oo dadka badankood ay jiifeen.

Waxaa hadda la joojiyay inta badan adeegyada tareennada, gaar ahaan kuwa ka imanaya koofurta Taiwan, xilli dad badan ay safrayaan sanadka cusub ee Shiinaha awgiis.

 

Hangoolnews.Com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News