Hangoolnews.com
Arsenal Maka Faa,Iidaysan Doontaa Hakadka Labada Kooxood Ee Ku Hirdamaya Hogaanka Horyaalka Ee Maanta Kulmaya Iyo Waxa Laga Filan Karo Kulamada Manta Iyo Bari Dhacaya
February 6, 2016 - Written by Hangool

SPORTS(HAN)Waxaa maanta iyo beri la ciyaari doonaa kulamadii 25aad ee horyaalka Premier League ee dalka England, hadaba wax ka ogow su’aalaha ay tahay in la is weydiyo ka hor kulamadaan, miyeey quseeyeyaasha su’aalahani si sax ah uga jawaabi doonaan, nala aqri kadibna nala arag jawaabta marka ay kulamadaan dhacaan

 

Miyee Leicester City Sameyn Kartaa Wax Aanan Run Ahaantii Lagu Fakari Karin ?

 

Hadii aan runta sheegno, iney garaacaan Man City ma aha wax aanan lagu fakari karin, laakin iney sadexda dhibcood ka qaataan kooxda macalin Manuel Pellegrini waxay biyo qabow ku shubi doontaa shaki weynaa ee laga qabay awooda layaabka leh ee Leicester waxayna hogaanka Premier League. Ku qaban doonaa lix dhibcood oo nadiif ah taas ayaana ah mida aanan lagu fakari karin, ku darsoo wiilsha macalin Claudio Ranieri aliya Liverpool iyo Arsenal ayaa ah kooxaha waa weyn ee ka adkaaday ilaa hadam hadana waxay kasoo adkaadeen Reds, hadii ay ku daraan Manchester City iyo Arsenal ma adigaa ka joojinaya hanashada horyaalka ?

 

Liverpool Dib Ugu Guuleysan Kartaa Jamaahiirteeda Niyadjabsan?

 

Sida aan idiin soo gudbinay shalay, qeyb kamid ah jamaahiirta Reds ayaa firaaqeyn doonaa Anfield daqiiqada 77 marka ay galabta wajahayaan Sunderland iyagoo diidan in tikidhada garoonka laga dhigayo xili ciyaareedka danbe lacag dhan £77 pound waxaana lagu kordhin doonaa £18 pound. Jurgen Klopp iyo wiilashiisa ayaa qaatay xili ciyaareed isku dhaf ah laakin guuldaradii kasoo gaartay Leicester City ayaa soo gabagabeysay rajadoodii aheyd in Jordan Henderson uu ku kabtamiyo Champions league, hadaba miyaay jamaahiirta lagu naaneeso Kop isku darsan doonaan Guuldarooyin iyo lacag badan ?

 

Miyuu Wayne Rooney Si Dhab Ah U Soo Laabtay?

 

2016 wuxuu u aha sanad naxariis ah Wayne Rooney, wax badna ayaan eedeenay, Louis van Gaal ayaa kursiga keydka dhigay, laakin kabtanka Manchester United ayaa shan jeer shabaqa soo taabtay shantii kulan ee horyaalka aheyd halka todobo jeer uu shabaqa soo taabtay todobo kulan uu ciyaaray, miyuu axada kala dhantaali doonaa daafaca biyo deyska badan ee Blues ?.

 

Miyeey Arsenal Qasaarin Doonaan Fursadoodii Ugu Fiicneyd Ee Ka Bixista Abaarta Eol la’aan?

 

Markii ay saacada sanadka cusub is rogtay, Wenger wuxuu eegayay kala sareynta horyaalka Premier League wuxuuna ku fakarayay “Aleylehe Haa, Waa Halkaan Halkii La Rabay” laakin qolooyinn ay Liverpool, Stpke, Chelsea iyo Southampton ayaa ka habaarsaday oo ku celiyay kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka, laakin miyeey run ahaantii horyaalka hanan karaan mise waxay markale ku dhameysan doonaa halka lagu tilmaamo iney jecel yihiimn ee afaraad ? .

 

Maxaa U Haray Chelsea?

 

Wax guuldaro ah ma aysan arkin mudo sideed kulan oo horyaalka ah, Waaw Wanaag, laakin kaliya sadex kulan ayee adkaan, layaab, waaa barbaro ku qabtay Watford, West Brom iyo Everton laakin Guus Hiddink ayaa ugu yaraan joojiyay guuldarooyinkii isdaba jooga ahaa ee Chelsea laakin hadii ay ka adkaadaan Manchester United waxay diri doonaa fariin ah iney ku dhameysanayaan meel ka saretsa kaalinta 15aad maadaama ay kaliya sadex dhibcood ka sareeyaan meelaha looga laabto heerka labaad ee Championships ka.

 

Miyuu Steve McClaren Sii Shaqeyn Doonaa Subaxa Isniinta?

 

Ma jiro maclin ka lacag qasaarin badan kana guuldaroyin badan Steve McClaren. Ma taqaanaa macalin ka xun McClaren ? Ceeb ayeey la tahay in kooxdiisa ay guul gaarto malahana wuu ku faanaa in laga adkaado, guuldaro kale oo kasoo gaarta West Brom waxa u sahli kartaa inuu raaco Taxi-yada ka shaqeeya albaabka St James’ Park.
Manuel Pellegrini Miyuu Dhiiro Gelin karaa Ciyaartooydiisa?

 

Inaad ciyaartooy lacago waali ah qaata maamusho ma aha wax sahlan, dhibtaas ayaa heysata Manuel Pellegrini oo aan xitaa maamulka iyo milkiileyaasha kooxdiisa, su’aasha isweydiiska mudan ayaana ah sidee ayaa maana duhurnimadii u qaabili doonaa hogaamiyeyaasha Leicester.

 

Hangoolnews.Com

Hargeisa/Office

COMMENTS
Latest News