Hangoolnews.com
Wasiir Kaysar Oo Kaalin Wayn Ku lahaa Hoos U Dhigida Qiimaha Korontadda Ee Ay Ku Dhawaqeen Shirkadduhu.
January 31, 2016 - Written by Hangool News

Libinta guushii laga gaadhay hoos u dhigista qiimaha korontada ee ay ku dhawaaqeen shirkadaha korontada u shida magaalada Hargeysa, ayaa ahayd mid uu iska lahaa wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Amb.Kaysar Cabdilaahi Maxamed, oo wakiil ka ahaa Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiir Kaysar oo wakhti kooban xilka hayay ayaa markiiba ka damqaday culayska dhaqaale ee shacabka danyarta ah ay ku hayaan Shirkaddaha Korontadu, waxaanu dedaal dheer u galay sidii uu shirkaddaha laftooda ugu qancin lahaa in ay daymo naxariis leh ku eegaan Shacabka duruufaysan, taas oo uu ugu dambeyntii guul ka gaadhay.

Wasiir Kaysar oo fulinaya Siyaasada Madaxweyne Siilaanyo ee ku dhisan Shaqo wanaaga iyo fir-fircoonida ayaa ugu dambeyntii Taariikhda ku galay talaabo lama ilaawaan ah oo isaga hortii aanay cidina gaadhin.

Guushan uu horseedka ka yahay Wasiir Kaysar, ayaa waxa si weyn ugu diirsaday Shacabka ku dhaqan Caasimada Hargeysa, kuwaas oo Hambalyo iyo ducaba isugu daray islamarkaana tilmaamay inuu Wasiirku baahidooda ka turjumay,

“aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay hoos u dhaca ku yimi qiimaha korontada, waxaana guushaa iska leh oo ku Amaanan Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Amb.Kaysar oo masuul ka ahaa Hoos u dhacaas, naga dulqaaday culays badan oo na haystay waxaananu leenahay halkaa ka sii wad dedaalkaaga” sidaasi waxa tidhi Hooyo Caasha Tubeec oo degan Magaaladda Hargeysa.

Dedaalka Wasiir Kaysar ayaan ku eekayn oo kaliya in hoos loo dhigo Qiimaha Korontada, balse waxa uu maanka ku hayaa oo ka Go’an inuu hoos u dhigo qiimaha dhamaan Meecashada laga isticmaalo Dalka.

Wasiir Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo muddo kooban xilka hayay ayaa loo arkaa shakhsi munaasib ku ah hawsha loo igmaday, islamarkaana uu Madaxweyne Siilaanyo asiibay markii uu Magaacaabay, iyadoo Shacabkuna ka dharagsan-yahay sida ay uga Go’an tahay shaqo wanaag iyo inuu ka tago Taariikh xaga Horumarka ah oo hadhow lagu xasuusto.

 

COMMENTS
Latest News