Hangoolnews.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Saaka Safar Kaga Anba Baxay Magaalada Hargeysa Iyo Halka Uu U Xadhko Xidhay
January 31, 2016 - Written by Hangool

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa uu saaka safar kaga anba baxay caasimada Somaliland ee Hargeysa

 

Madaxweynaha ayaa safarkiisani uu yahay mid uu ku sii jeedo Deeganka Oog ee gobalka Sarar waxaana uu madaxweynu halkaasi kaga qeyb gali doona xuska maalinta Ciidamada Qaranka Somaliland halkaasi sanadkani lagu qaban doono kuna beegan 03.02.2016

Madaxweynaha ayaa waxaa uu inta uu safarkiisani ku sii jiro uu sii mari doona magaalada Berbera walow aan la ogeyn in uu ku dhixi doono waxaana la sadaalinayaa in madaxweyne Siilanyo oo nasasho ku qaadan doono xeebta Batalaale ee magaalada Berbera

Sidoo kale waxaa safarkan madaxweynaha ku wehelinaya xubno ka mid ah golahiisa wasiirada iyo masuulyiin kale

Waxii warar ah ee ka soo kordha warkan goor dhaw kala soco shabakada Warar ee Ilaysnews.com

 

COMMENTS
Latest News