Hangoolnews.com
Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadal Ka soo Yeedhay Dawlada Somalia
January 30, 2016 - Written by Hangool

Hargeysa(Ilays-News):- Wasiirka Wasaarada warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyigalinta somaliland mudane Maxamed Daahir Cukuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa jawab adag ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeedhay dawlada somalia isla markaana laga soo saaray shirkii loogu magac daray Hiigsiga somalia ee ka soconayay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo Gunaanadkiisi laga soo saaray qodobo isla markaan ay masuuliyiinta ugu sar saraysay dawlada somalia ay ka dhawaajiyeen inay qayb ka tahay somaliland.

waxaana uu wasiirku ka warbixiyay qadiyada iyo gooni isku taaga somaliland, isagoona sidoo kalena wasiirku ka dhawaajiyay marxaladiisi ay soo martay dawlada Somaliland sidoo kalen ay dawlada somaliland kamid ahayn somalia ee ay tahay dawlad madaxbanaan isaga oona wasiirku arimaha iyo arimo kaleba ka hadlaya ayaa waxa kamid ahaa hadaladiisi sida tan.

“Mawqifka somaliland waa cadyahay shirkaa ay qabsadeen dawladaa somalia ee loogu magac daray hiigsiga somalia-na maaha wax jamhuuriyada somaliland khuseeya dhinacna kasoo galla,waaana wax ay kaga tashanayeen dantooda, doorashooyinkooda iyo Dawladnimadooda, Waana la ogyahayoo 1960-26-Jun ayay macmaradii ingiriiska dawlada somaliland ka qaadatay madaxbanaanideeda, Xiligaa waxa xukumada Muqdishana Macmarkii Talyaaniga may madaxbanaanayn dawladna may ahayn markaa, laab lakicii iyo caadifadii markaa jirta ayay dawlada somaliland Go’aansadeen in Dawlad Somaliyeed wax la yidhaa la sameeyo ,Axdigii iyo midowgii labada dawladood markaa waxa ka dhalatay dawladii Somaliyeed Waxaana la odhan jiray (SOmali Republic).

Sanadkii 1991 ayay hadana dawlada Somaliland Dib u dhalatay waxaanay yeelatay sifooyinka iyo astaamaha dawladnimada looga baahan yahay, jamhuuriyada somaliland waxay u dhisan tahay Rabitaanka shacabka somaliland,Waxay leedahay dawlad Kaamila, Waxay leeday baarlamaan waxay leedahay calan u gaara waxay leedahay dastuur u gaara waxaana ka dhaca doorashooyin xor oo xalaala oo (One Man One Vote) ah anaguna markay shirarkooda ay wataan waan u ducaynaynaa in arimahooda iyo nabad galiyadooduba ay hagaagto, Mana jirto cid na matasha oo ka qayb gashay shirkaasi waxaanan leenahay somaliland Iyo Somalia waa laba dawladood oo siman”sidaas waxa hadalkiisa kusoo ururiyay Wasiirka warfaafinta somalilan Maxamed Daahir Cukuse

Ilaysnews/Hargeysa Office

Contact@Ilaysnews.com

 

 

COMMENTS
Latest News