Hangoolnews.com
Taliska Ciidama Asluubta Somaliland Oo Gadiid Cusub La Wareegay + ( Sawiro).
January 30, 2016 - Written by Hangool

Hargeysa(Ilays-News):- Agaasimaha guud ee wasaarada Cadaalada Somaliland waxaa uu gadiid 5 xajiyadood ah uu maanta si rasmi ah u gudoonsiiyey Taliyaha ciidamda Asluubta.

1

Gadiidkan oo ay wasaarada cadaalada ku caawisay Haa’ayada UNDB ayaa waxaa wasaaraduna ku wareejisay ciidamada astluubta Somaliland oo ay sheegen in ayaa baahi weyn u qabeen

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Khadar Axmed Diiriye agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ” maanta waxaa aanu jecel nahay in aanu ku wareejino taliyaha guud ee ciidanka asluubta shantan xaajiyadood oo ay noogu deeqdey haaya’da UNDB khaamistiina aanu ka gudooney kuna deeqeen deeq bixiyaasha EU , UK iyo dawlada Sweden noogu deeqen waxaana ay deeqdani ka mid tahay mashruuca lagu horumarinaayo cadaalada 5 gaadhi oo hore waxaa aanu ku wareejinay maxkamadaha 5 tan kale ee gadiidka ahna waxaa aanu ku wareejin doona ciidanka asluubta oo baahi badan u qabay ” ayuu yidhi agaasimaha wasaarada cadaalada Somaliland

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadley una mahad celiyey wasaarada Cadaalada taliyaha guud ee ciidamada asluubta Somaliland Gen. Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun ) waxaana uu yidhi ” waan kaa gudoomay gawaadhidaas aad iyo aadna waanu ugu baahi qabnay ilahay baa laga helaa waana aanu idinku mahad naqayaa da daalka aad noo muujiseen ” ayuu hadalkiisi ku soo koobay taliye Xudhuun

4 5 6 7

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Cabdiraxiim Mowliid Ismaciil

Ilaysnews/Hargeysa Office

Contact@Ilaysnews.com

 

COMMENTS
Latest News