Hangoolnews.com
Shirkadaha Adeega Koronta Siiya Somaliland Oo Ku Dhawaaqey Qiimo Dhimis .
January 30, 2016 - Written by Hangool

Ururka ay ku midoobeen shirkadaha laydhka u shida Somaliland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano (HECO) ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in ay qiimo dhimis ku sameyeen adeegii ay siin jireen bulshada Somaliland.

1

Munaasibadan shaacinta oo ka dhacdey hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Ururkaasi , Wasiirka Macdanta Somaliland iyo wasiirka Ganacsiga

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadley isla markaana ka war bixiyey qiimo dhimistan ay maanta sameyeen gudoomiyaha Ururkaasi Maxamed Axmed Liibaan waxaana uu yidhi ” arinta hoos u dhiga waxaa sababay bilihii u danbeeyey shidaalka oo hoos u dhacay shirkadaha laydhkuna runtii halgan badan ayey dalkan u soo mareen waxaana ay shidaan dhulka danta guud ah oo dhan mana aha sida dad badani ay leeyihiin in aanu lacag badan oo macaash ah aanu helno .

Tamarta waxaa aanu ka dhalinaa shidaalka gaar ahaan naafatada tamar badan baa naga lunta dhinca gudbinta iyada oo ay daruufahaas oo dhami ay jiraan shirkadaha laydhku waxaa ay eegeen baahida bulshada oo dadkoodii ayey u naxariisteen sicirkiina intii ay dhimi karayeen waa ay dhimeen waxaana ay dhimeen 1 Unit waxey bixin doonan bulshadu 0.79 cent waxaana awal laga qaadi jiray 100 cent ama $1 ‘” ayuu yidhi gudoomiyuhu

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadley wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Xussen Cabdi Ducaale waxaana u shirkadahani ku aamanay arintaasi ay sameyeen waxaana uu yidhi ” waad ogtihiin sida loo sheegay shidaalku sanadkii dhamaadey laga bilaabo hoos buu u dhacay waxuu ka bilowdey $157 waxaana uu hoos ugu dhacay oo uu gaadhay $30 qiimo aad u faro badan ayaa markaas shidaalka ka dhacay anaguna aad iyo aad baanu ugu dhiiri galineynaa aadna waanu uga mahad celinayaa shirkadahan korontada masuulyadan ay isa saareen iyada oo sharci ku khasbayaa aanu jirin balse ay u sameyeen iyaga oo u naxariisanaya macaamiishooda aad bey ugu mahadsan yiihiin ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay wasiirka macdanta Somaliland

4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbeyntii wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah Dr.Qaasim oo halkaasi eryo kooban ka yidhi waxaa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey shirkadahan ku dhawaaqey qiimo dhimista waxaana uu ugu baaqey in ay waliba halkaasi hoos uga sii degaan waxaana uu yidh ” shidaalku waxaa uu maanta marayaa $30 markii hore waxaa uu maraayey $ 157 anigu bishan maanta lagu jiro bisheedii shidaalka Berbera ka soo degaa waxuu ahaa $170 halkii foosto bishan maanta aynu joogno $85 baa uu maanta Berbera ku yimadaa kaalmuhu $ 0.5 bey siinayaa sanadkii horena 1$ bey siinayeen , maanta aniga iyo wasiirka arimaha guduhu waxaanu la shireynay lixda shirkadood ee dalka shidaalka keena iyaga oo intaas siinaya shidaalka ayaanu waxaanu waliba ku laheyn sii jabiya markaa qoladan shirkadaha waxaan ka codsanayaa waliba in ay halkaasi ka sii jabiyaa’ ayuu yidhi wasiirka Ganacsigu

5 6 7 8 9

Ilaysnews/Hargeysa Office

Contact@Ilaysnews.com

 

COMMENTS
Latest News