Hangoolnews.com
Amb.Kaysar Cabdilaahi Maxamed: SHAMACA Ifaya Ee Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maal-gashiga Caalamiga Ah!
January 26, 2016 - Written by Hangool

Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Iyo Maal-gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed waa Aqoonyahan leh karti iyo khibrad ku filan, Muddadii uu ahaa Safiirka Wareega ee Somaliland waxa uu kaalin fir-fircoon ka qaatay Sidii Somaliland ay ku heli lahayd Aqoonsi Caalami ah, waxaana marag ma doon ah dedaaladii is daba-jooga ahaa ee uu ugu jiray ka midho dhalinta Qadiyada Somaliland.

Kaysar Cabdilaahi Maxamed mudadii koobnayd ee uu ahaa Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Iyo Maal-gashiga Caalamiga ah waxa uu muujiyay karti iyo dedaal & waxqabad fara badan, waxaanu noqday Shamac ka dhex Ifaya Wasaaradda Ganacsiga, waxaana la odhan karnaa waa Masuuliyiintii ugu fir-fircoonayd ee soo mara Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Waxa hubaal inuu wax badan ku kordhin doono kala xadaynta Ganacsiga oo ah wax-yaabaha Sababta u ah Sixir-bararka iyo isku dul-Noolaanshaha bulshada oo muddo badan dhibaato ku haysay Somaliland, waxaa kale oo la filayaa inuu wasiir Kaysar ka midho dhaliyo oo ay dalka Maal-gashadaan Maal-qabeeno iyo Shirkaddo kala duwan oo ka Faa’iidaysana Fursadaha banaan ee dalka.

Sidoo kale waxa la isku Raac-sanyahay inuu Wasiir Kaysar yahay Shakhsi leh dabeecad wanaagsan oo uu kula macaamilo bulshada, waxaana Wasiir Kaysar Xafiiskiisu u furan yahay bulshada qay-baheeda kala duwan wakhti kasta oo aad shaqo ugu baahato Xafiiskiisa, waana Masuul aad helayso Saacadaha Shaqada qaranka. Saed Abdi Hargeysa-Somaliland

COMMENTS
Latest News