Hangoolnews.com
‘Isbada ka Fikirkii Siilaanyo Ee 2005-tii ka dib’ … W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi
January 20, 2016 - Written by Hangool

Waxay noqotay inuu siyaasadda ka baxo oo uu is dhiibo kuna noqdo gurigiisii London iyo inuu baddalo mabda’ii uu aaminsanaa ee uu ku hagayey xisbiga

KULMIYE waa guridanbays kii ururradii siyaasadda ee Soomaalilaan bilowgii hore, waana curad ka maanta marka laga reebo UCID oo ka da’ weyn. Wajigii hore ee uu KULMIYE ku bilaabmay dhisme Xisbe ahaan wuxuu ahaa sawir aad u qurux badan oo ay ka dhex muuqdaan wajiyo midaynaya Soomaalilaan. Guddoomiye Siilaanyo wuxuu ku guulaystay inuu Sool iyo Awdal xisbiga ku muunadeeyo isaguna oday qayuura uu u noqdo. Guuldarradii doorashadii 2003-dii waxa gabi ahaan ba is baddalay hankii iyo himiladii Axmed Siilaanyo, waxa uu la kulmay nolol aad uga fog tii uu ka filaayey siyaasadda xisbiyada, waxaana u caddaatay inuu sugayo hayaan aad u dheer.

Waxay noqotay inuu siyaasadda ka baxo oo  uu is dhiibo kuna noqdo gurigiisii London iyo inuu baddalo mabda’ii uu aaminsanaa ee uu ku hagayey xisbiga. Wax yaalaha kallifay isbadal ka Axmed Siilaanyo waxaa kamid ah: cadaadiskii xisbiyahan kii xirfadda badnaa ee UDUB oo uu aad ula tacaalay in badan tabahoodii badnaa, ku waas oo in oo badan oo badan Axmed Siilaanyo ku kallifay inuu baddalo fikirkiisa.

Doorashadii 2005-tii ayuu siilaanyo ku dhiiraday inuu ku soo dhawaado nidaam ka qabaliga ah, oo uu aaminay inuu ku kori karo kusriga Soomaalilaan, wuxuu bilaabay inuu shirar doceedyo aan hadhsi iyo hadh gal lahayn uu la qaato hoggaamiyayaasha dhaqan ka ee Soomaalilaan. Wuxuu bilaabay inuu dad ka u abaabulo qaab beelaysan, runtuna waxay tahay kumay koobneen kaligii ee Daahir Rayaale iyo UDUB aad bay xarfaan ugu ahaayeen waana aabbayaasha fikirka Siilaanyo baddalay, ee uu kaga tagay macalinkii.

Aqoontii dhaqaalaha iyo ilbaxnimadii guun ka ahayd, taariikhdii siyaasadda iyo waayo aragnimadii lagu tuhmayey Axmed Siilaanyo waxay isku fuuqsaday taariikhdii SNM inuu gabbaad ka dhigto si uu canbaar iyo fuquuq ugu furo Daahir Rayaale. Waana ta keen tay in jawigu isu baddalo in laysla gaadho hebel baad dishay iyo faqash baad ahayd. Diiradda ayaa halkaa haysatay, agoomihii SNM ayaa Siilaanyo badh tilmaameed u ahaa iyo naafadoodii, dayac badan iyo hagrasho badan ayuu aad ugu eedeeyey Daahir Rayaale, waxaanu ku tilmaamay nin aan ku jirin taariikh da wadan ka si uu us oo jeediyo dareen ka shacabka. Taasi waxay sababtay in dad aad u badan ay isu abaabulaan nidaam qabali ah, oo caadifadaysan.

Qabanqaabadii iyo shirwaynihii KUMIYE ee 2008-dii ayuu Siilaanyo xakamayn kari waayey ardaydii siyaasadda ee uu fikirkooda baddalay waxaanay soo jeediyeen in Xisbiga KULMIYE uu gacan ta beesha dhexe ku soo noqdo, isla markaana laga maarmo wixii aan ahayn beesha dhexe. Fikir kaas aad buu ugu guuxay Siilaanyo, waxaana la soo jeediyey inuu samaysto Madaxweyne xigeen beesha dhexe ah, Siilaanyo qodob kaas ah inuu samaysto Madaxweyne xigeen beesha dhexe ah gaashaan kuu u daruuray, waanu ku diiday saaxibbadiis. Wajigii labaad ayey ku soo celiyeen talo sheegaysa inay la qaateen laba fikir ta hore , maadaama aanay macquul ahayn inuu doorashada ku galo ku xigeen beesha dhexe ah, arrin kan danbe ee xibiga Axmed Siilaanyo aad buu ugu guuxay.

Intii lagu guda jiray qabanqaabadii shirwaynihii KULMIYE 2008-dii waxa la qorsheeyey hannaan ka xisbiga loo baddalayo, iyo hannaan ka doorashada lagu galayo. Qaab ka xisbiga waxa lagu koobay beesha dhexe, marka laga reebo guddmiyaha saddexaad iyo afraad oo aan shaqada xibiga kaalin wayn ku lahayn. Guddoomiye, Ku xigeen ka koowaad, Guddoon ka labaad, Guddoon ka golaha dhexe, Af hayeen, iyo Xoghaya Guud. Halka markii hore ay ka ahayd, Guddmiye, Siilaanyo, ku xigeen Fagadhe oo reer Sool ah, ku xigeen ka labaad Siraad, oo reer Awdal ah.In kasta oo buuq iyo qaylo badan uu la kulmay qabanqaabadiisii haddana shirwaynihii wuxuu u furmay si cajaa’ib ah oo mudan in la xuso, waxaana meeshii ka soo baxay fikir kii Siilaanyo ee isbaddalay ee ahaa in beesha dhexe lagu soo celiyo hoggaan ka xibiga, waxa la doortay Guddoomiye Siilaanyo, Muuse Biixi, iyo Cabdiramaan Cabdiqaadir, waxaanay noqdeen xisbigii ugu horreeyey ee Soomaalilaan yeelato ee laga sifeeyo beelaha darafyada,

In kasta oo rag badani ay arrinkaas diideen kana baxeen xibiga KULMIYE, haddana may noqon kuwo la dhagaysto ama loo joojiyo. Waxa lagu hawl galay tab iyo xeelad kasta, oo lagu ururin karo hadhaagii SNM, iyo madaxda dhaqan ka, wajiga koowaad ee la tusayaana wuxuu ahaa in meeshii cadaw haysto loo na baahan yahay sidii loo ga fujin lahaa. Siilaanyo waxa lagu dirqiyey hawlo ka durugsan waxan aan ka hadlayo taas oo uu kaga soo gud bay aqoon iyo ilbaxnimo, hal ka ragga qaar ay buurta galeen oo baabuur kurta ka jareen, kuwo kale oo badanina u yaaceen Muqdisho oo ay ka soo qabteen xilal raysal wasaare xigeen iyo wasiirro ba leh. In kasta oo uu ka gaws adaygay arrimaha qaar haddana fikir kiisa waxa lagu guulaystay in saamayn fara badan lagu yeesho. Isaguna wuxuu noqday hoggaamiye da’du dabada kaga jirto guul darro aan qorshaha ku jirinna uu la soo kulmay. Taas oo badday inuu cid walba dhagaysto ballan kastana uu u qaado.

Axmed Siilaanyo markii uu ka guulaystay Daahir Rayaale wuxuu fuliyey wixii maskaxdiisa ku kayd sanaa oo ahaa in fikirkiisu yahay beesha dhexe, wuxuu dhisay xukuumad beesha dhexe ah, isagoo ka ilaaliyey xil muhiim ah, waa xaqiiq oo uu fuliyey wixii uu aaminsanaaa, waannu ku taaggan yahay illaa maanta waxa uu aaminsan yahay. Ayaan darrada se ii muuqataa waxay tahay qaab ka uu xisbiga uga tagayo oo ah, qaab beelaysan oo hagbadaysan. Waa albaabbo is daba yaalla oo markaad mid gasho aad ka sii daba galayso kuwo kale. Waa qori isu dhiib iyo nin nin daba taaggan, majiro iimana muuqato sabab KULMIYE qof ka muwaadin ka ahi uu uga mid ahaan karo, ma wuxuu noqonayaa qof ku tabca illaa waligii qof kale, ma qori isu dhiib iyo waa markayagii ayuu dugsan karayaa. Ma garan karo iimana muuqato jaanis ku jira KULMIYE, u mana bisla in la laabo hagbaddan heeryada xun.

Ka soo qaad inuu Muuse Biixi guulaysto, kaadiriinta KULMIYE ma yeelayaan ku xigeen ka Muuse dhisa, ku xigeen ka Muusena ku xigeen kiisa ha sii dhiso. Saw macnaha iyo dhadhan ka xisbinnimo dhiman maayo, saw horgallo qabiil xibiga isku qabsan maayaan, isla markaana noqon maayo wax lagu kala dareero, oo aan cidina sii eegan. Hal kaas dhaawac ayaa iiga soo muuqda Muuse dabadii, Muuse-na nin damal ah noqon maayo ee wuxuu noqonayaa nin cid raaca, kuwo kalana budh ka la kora.

Miyaanad ka yaabin dhismaha xukuumadda KULMIYE iyo saami qaybsigeeda, miyaanay indhaagu diidin markuu safar u baxo ee aanu ka xaysan qof kaliya oo matala Awdal iyo Sool. Miyaanad uur ka ka diidin markaad aragto 12- wasiir oo beesha dhexe ah oo markasta iyo goor kasta hareero tuban,, miyaanad khajilin marka uu wasiir dawlayaal gobollada bariga ah, iyo la taliyaal u magacaabo hal- door kii Sool. Miyaanad jidhi diidin markuu u quudhi waayo wasaarad shilis. Miyaanad arag dacaayadda iyo dhaliisha inagaga timi arrin kan. Ma waxay kula tahay inaanu daawan oo arkin, ma waxay kula tahay inuu isku shaandhayn soo wado oo la mahadin doono, ma waxay kula tahay wuxuu qaban waayey ayuu maanta oo uu dhaxal wareegay kuu qaban.

Waxaan se aad isu waydiinayaa waqtiga iyo ficil faraha badan ee qalloocaas KULMIYE aynu ka gudbi karno, waynu ka gudbi karnaa kaliya waxay kaga gudbi karnaa inagoo raadsanna Xisbi aan nin ba nin usha u dhiibayn ee karti iyo aqoon la isku xulanayo. Waa run oo majiro xisbi madax bannaani laakiin halkii aad KULMIYE ka dhisi lahayd iyo nin nin dabayaalla, nin qudha dooro, oo xibiyada kale ah. Aan u soo noqdo gabagabada iyo dulucda hadal kayga hagbadda KULIMIYE way heeryo xun tahay. La soco qormo kale ayaan ku milicsan doonaa Siilaanyihii 2003-dii iyo fikir kii uu aamin sanaa.

Maxamed Aadan Tarabbi,
Facebook, Maxamed Aadan Tarabbi,
Bulay571@gmail.com,
Saint Louis, Mo, USA.

COMMENTS
Latest News