Hangoolnews.com
Aasaar Qadiimiya Oo Hargeisa Ku Taala Cidna Ayna Ogayn, Qalinkii Cabdi Caawiye
January 20, 2016 - Written by Hangool News

Wadan walbaaba waxa uu leeyahay aasaar qadiimiya oo aad loo ilaaliyo loona daryeelo

Dalkeenuna waa sidaas oo kale waana ka mid wadamada aasaarta qadiimiga ah leh

Hadaba waxaan maanta dan aan leeyahay u tagay meel magaalada hargeysi gaadhay oo gaadhigu kuula socon karo waxaan ka badnayn 15 daqiiqo.

Waxaan kula kulmay meel jago ah oo aan danteeda u socday oday d’a weyn oo beerta ay jagadu iigu taalay lahaa waana uu I bariidiyey bariido ka dib waxa indhaygu ay qabteen DHAGAX WEYN OO AAD BUUL MOODO.

waxaan ku idhi odaygii adeer dhagaxaasi ma sidaas ayuu u samaysnaa mise waa la qoday

odaygii “ adeer lama qodin ee sidaas ayuu u samaysan yahay meel  laga galena wuu leeyahay “

kadib waxaan u dhaqaaqay xagii dhagaxa waxaana aan galay gidihii dhagaxa weyn oo aan kula kulmay wax LAYAABLEH, markii aan galay gudaha waxaan arkay QORAALO LAYAAB LEH OO AANAN AKHRIYI KARAYN KUNA QORAN KHAD MADOW.

In doora markii aan ku jirey ayaa  waxaan arkay god hoosta laga qoday oo dheer.

Odaygii ayaa arkay inaan eegaayo godka dabadeedna wuxuu igu yidhi “ adeer anagaa qodnay in badan markii aanu qodaynay waxaanu u dhaadhacnay camuud aad moodo dambas cadaanka iyo camuud kale oo layaable.

In badan markii aan eegaayey fartii ayaan kazoo baxay waqti ay ku dhawdahay duhurkii .

Waa aasaar qadiimiya oo qaaliya xitaa dawladeenu ma oga waxayna ku taalaa caasimada agteeda waana mid aan hayo oo xaqiiqa .

Dhagaxa in la jabiyo ayaa la doonaayey oo laga dhigo mid guryaha lagu dhiso lkn waxaan u sheegay odaygii beerta lahaa in ayna waxani ahayn dhagax iska caadiya ee uu I sugo inta aan cid masuula keenaayo.

Cidii danaynaysa inay dhawrto aasaartan ha igala soo xidhiidhaan

+252634115877

QALINKII CABDI CAAWIYE

COMMENTS
Latest News