Hangoolnews.com
Horumar La’aanta Qaar Ka Mid Ah Deeganada Bariga Somaliland
January 10, 2016 - Written by Hangool News

Marka aynu ka hadlayno sida ay u kala tegeyn deganada Somaliland waxaa haboon in ay si fiican oo aqooni ku jirto u faaqidno waa maxay arimaha saldhiga u ah iney kala horumaraan laba degaan oo wadan kawada tirsan?

Waa maxay horumarku?
Marka aynu si gara dirada u saarano   Kala qaybinta dhinaca horumarka ee dalalka caalamka waxaa la yidhaahdaa:Macno ahaan horumarku waa habka koritaanka ee qof ama wax kale u koraan ama isku bedelaan oo ay noqdaan mid aad uga horumarsan sidii hore.

a)      Dalal Qaniga ah (richer countries)

b)      Iyo Dalal Faqriga ah (poorer countries)

Fakhriga iyo Qaninimada ee muujinaya tiro ka mid ah khayraadka diyaarsanee bulsho ee la heli karo.

Intaa hadaan ku dhaafo macnaha horumarinta guud ahaan,bal imika aan diirada saarno dhinaca dalkayga Somaliland.

Waxaa dhawaan gobolo ka mid ah Somaliland socdaal ku marayey Gudoomiyaha Xisbiga UCID mudane Faysal Cali wuxuu socdaalkiisii ku sheegay in dhibaatooyinka dib u dhaca meelihii uu soo maray ay saldhig u tahay:-

1-      Beesha isaaq oo afka u dhigatay khayraadkii umada Somaliland

2-      Beesha Reer Sh.Isaxaaq  oo Masabkii dowladnimo isku koobtay.

Anigu maqabo fikirka noocaas ah balse xaqiiqadu way ka duwan tahay .

Beesha Reer Sheekh Isaxaaq waxa lug ah kuma laha eedaa Faysal cali waayo:

·         Beesha reer sheikh Isaxaaq Markii la riday xukuumadii Siyaad bare Somaliland waxaa gacanta ku dhigay xoogagii SNM oo awood ciidan iyo huba ku muquunin karayey dhamaan dadkii aan taageeri jirin SNM.Taariikhda waxay xustay in ay Beesha reer sheikh isaxaaq si fiican oo gobanimo oo taariikhda Aduunka nadir ku ah ka yeeshay xaaladii markaa taagneyd.Tani waxay ahayd in waxgaradkii Somaliland ururkii SNM taladii dadka iyo dalka dhexdhigay oo yidhi ka taliya mustaqbalka iyo masiirka Goboladii waqooyi.

·         Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. SHirkan waxa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin.Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. SHirkan waxa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin.

·         Waxaa Laga gudbay wakhtigii beelaha wax lagu qaybsanayey oo waxaa loo guuray dhismihii xisbiyada qaran.

·         Waxaa tartankii xisbiyada ku soo baxay oo codbixintii ku guuleystay saddex xisbi oo kala ahaa UDUB,UCID, KULMIYE.

·         Waxaa la doortay Golayaashii wakiilada iyo Goloyaashii  Deegaanka.

Hadaba Goboladaasi Bari waxay eersadaan waa siyaasiintooda oo is hortagay inay nolol ,nabadgelyo iyo wax la qabsi la wadaagaan Somaliland inteeda kale.

Dib u dhaca deegaanada bari waxaa horsed u ah oo aan rabin inay horumaraan,caafimaad helaan,waxbarsho helaan,nabadgelyo helaan waa siyaasiintooda qaar ka mid ah oo Kow ka yahay Cali Khaliif Galayr iyo inta la garaadka ah ee raba in uu dhiiga dadkiisa uu ka dhigto salaanka uu u korayo madaxnimoda somaliyada bukta ee aan daawada loo haynin,Balse waxa uu moog yahay in maanta lawada fahansan yahay Cali Khaliif inuu dantiisa  oo keliya ka fikirayo,balse tolkii aanu dank a lahayn,waayo wuxuu rabaa in uu ku mudo irbada sunta ah ee Somali konfureed ay ku mudeen siyaasiintii laga rabay inay dadkooda badbaadiyaan oo ka doorbiday in ay mashruuc ay macaash ka dhigtaan dhiiga dadkooda balse ALLAH(swt) waa ogyahay fidmo wade kasta oo dhulka fasahaadinaya,isaga ayaana ka qaban dadka.Balse waxaa nasiib wanaaga in geesiyaal indheer garada oo naftooda u huray dadkooda iyo dalkooda fahmayna ujeedada Cali Khaliif ay maanta mayalka u hayaan dhismaha iyo horumarinta caafimaadka,waxbarashada,deegaanka iwm.Waxaa ka mida ragaasi :-

1-      Mudane Saleebaan Xagle Toosiye

2-      Mudane Cali Sandule

3-      Gudoomiyaha Gobalka Maroodii Jeex (Jeeni cade)

4-      Mudane Bashe Maxamed Farax

Iyo Masuuliyiinta kale ee ka shaqeenaya horumarka dalka iyo dadka Somaliland.

Dhanka awood qaybsiga waxaa aan qabaa in aan loo baahnayn shaxda qaybyaalada ee Federalka somaliya 4.5 Balse Somaliland way ka gudbtay marxaladaasi mudo hore waxaa loo gudbay qaabka qaranada casriga ahi ku horumariyaan dalalkooda eek u soo bax xisbi siyaasadeed reerka aad doontid aad ahaatide,hadaba  sida keliya ee deeganada dib u dhacsani u soo kici karaan waa iyaga oo doorashada,siyasada,iyo horumarka Somaliland qabtooda ka qaataan.

Mahadsanidin

M J Farah

Ind.Political analyst and writer

COMMENTS
Latest News